In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Baay Burjeed oo qiyaastii 15 km u jirta magaalada Baydhabo.
Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xog sirdoon ayaa beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo la tuhunsan yahay inay qorsheynayeen falal argagixiso.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda, ciidamada ayaa si toos ah u weeraray halka ay ku sugnaayeen xubnahaasi, waxaana la dilay horjoogayaal iyo dagaalamayaal, halka in ka badan 60 xubnood oo kale la dhaawacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka, iyadoo ciidamadu ay gacanta ku dhigeen meydadka ugu yaraan 18 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan howlgallo dheeraad ah oo lagu daba joogo xubno ka baxsaday goobta dagaalka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay dhaawacyo culus qabaan.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ammaan u jeediyay shacabka deegaanka taageerada iyo xogta ay la wadaageen, taasoo fududeysay guusha howlgalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ilaa laga cirib tiro guud ahaan gobolka.