Home Wararka Maanta Dowladda Eritrea oo sheegtay inay Ciidan u soo direyso Dalka Somaliya

Dowladda Eritrea oo sheegtay inay Ciidan u soo direyso Dalka Somaliya

0

Dowladda Eritrea ayaa u sheegtay midowga Africa in ay diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto Soomaaliya hadii ay ka baxaan ciidanka Itoobiya ama laga cayriyo si ay buuxiyaan goobaha ay baneeyaan.

Eritrea oo xiriir wanaagsan la leh dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa dhinaca kale khilaaf xoogan waxaa uu kala dhexeeya Maamulka RW Abiy Ahmed ee dalka Itoobiya.

Asmara oo kumanaan askari u tababartay Dowlada Somalia qaar kalena weli uu tababar uga socdo dalkaas ayaan weli la ogeyn qaabka ay ciidamo u keeni karto Somalia.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya oo waraysi siiyay Website-ka caanka ah ee The Economist ayaa u sheegay “Hadii aan la baabi’in Is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ka hor 31 December 2024, ciidamada Itoobiya fursad uma heli doonan in ay ka sii mid noqdaan howlgalka AUSSOM ee badalaya ATMIS.

Masar oo sidoo kale khilaaf adag uu kala dhexeeyo Itoobiya ayaa horey u balanqaaday iney 10 askari geyneyso Somalia si ay uga qeyb qaataan howlgalka cusub ee bedelaya ATMIS arrintasaoo walaac ku abuurtay Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here