Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay “mid qalqal gelinaysa xasilloonida gobolka”.
Hadalkan ayaa ka soo baxay wadahadal dhinaca taleefanka ah oo uu Madaxweyne Erdogan la yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khalid Al-Hamad Al-Sabah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga.
Intii uu socday wadahadalka, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Kuwait, iyo sidoo kale arrimo gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Madaxweyne Erdogan ayaa si gaar ah u taabtay go’aanka Israa’iil ee ku aaddan Somaliland, isagoo xusay in arrintani ay tusaale u tahay dadaallada sii kordhaya ee Tel Aviv ku doonayso inay ku carqaladayso amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha Turkiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo mar kale xaqiijiyay mowqifka Turkiga ee ah taageerada buuxda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.






