Home Wararka Caalamka Falastiiniyiinta Rafax Oo Wajahaya Xaalad Adag Kadib Go’aankii Q.Midoobe

Falastiiniyiinta Rafax Oo Wajahaya Xaalad Adag Kadib Go’aankii Q.Midoobe

0

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay joojisay qaybinta raashinka gargaarka ah ee Rafax, sababo la xiriira sahay la’aan iyo amni darro.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA, ayaa sheegtay in helitaanka inta badan xarumaha cuntada lagu qaybiyo ee Rafax ay noqotay mid aan suurtagal ahayn, taas oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milatari ee Israa’iil ay ka wadaan bariga magaalada.

In ka badan 800,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ka mid ah hal milyan oo qof, ayaa ka qaxay magaalada ka dib markii uu billowday howlgalka Israa’iil laba toddobaad ka hor.

UNRWA waxay sheegtay in xarumaheeda caafimaadka ay sidoo kale shaqada joojiyeen 10 maalmood ka hor.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Maraykanku uu sheegay in uu aaminsan yahay in inta badan gargaarkii loogu tala galay dadka Falastiiniyiinta ah ee woqooyiga Marinka Rafax aan weli la qaybin dhibaatooyinka jira awgood.

Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ansixiyay Dhowr Hindise Sharciyeed Iyo Heshiisyo(Akhriso)
Next articleBooliska soomaaliya oo xabsiga Dhigay Haweeneydii ku Hanjabtay Inay Xasan Shiikh Dhashiike ku Dilayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here