Home Wararka Maanta Gantaalada Iran ku Garaacday Israel Tiradooda oo Shaaca laga qaaday

Gantaalada Iran ku Garaacday Israel Tiradooda oo Shaaca laga qaaday

0

Dowladda Iran ayaa xalay gantaalo culus ku garaacday magaalooyin kala duwan oo kuyaalla Israa’iil, waxa uuna weerarkan cabsi badan ku beeray dadka israa’iil oo xalay badankood ku hoyday goobo gabaad looga dhigto madaafiicda oo dhulka hoostooda kuyaalla.

War kasoo baxay saakay oo Arbaco ah dowladda Iran ayey ku shaacisay in ay soo gabagabeesay duqeymihii dhinaca cirka ah ay ka fulisay gudaha Israa’iil, mana bixin dowladda Iran faah faahino badan oo weerarkan ku aadan iyo khasaaraha ka dhashay duqeymaha.

Dowladda Iran ayaa sidoo sheegtay in ilaa 180 gantaal xalay ku ridday dhulka Israa’iil maamusho, waxa ayna Iran sheegtay in duqeymaha lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah , gaar ahaan saldhigyo ciidan iyo goobo kale oo muhiim ahaa.

Holaca ka baxaya madaafiicda laga soo riday Iran ayaa ifiyay hawada guud ahaan Isra’il, iyada oo la maqlayay seeriga digniinta madaafiicda, halka dadka rayidka ah ay u kala ordayeen guryaha looga gabbado madaafiicda culus.

Maamulka Israa’iil ayaa ku hanjabay in jawaab adag oo deg deg ah ka bixin doonaan weerarka Iran xalay kusoo qaaday, waxa ayna masuuliyiinta Israa’iil ku hanjabayaan in ay beegsan doonaan goobo muhiim ah oo kuyaalla gudaha Iran.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay ka hor tageen inta badan madaafiica. Iran ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay qaar ka mid ah saldhigyada millatari ee Israa’iil, lamana soo warin ilaa hadda khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here