Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay in ka badan 68 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu baabuur ku jiiray suuq laga adeekto oo Christmas-ka ah oo ku yaalla magaalada Magdeburg ee caasimadda gobolka Saxony-Anhalt ee bartamaha Jarmalka.
Saraakiisha ayaa ku tilmaamay falkan mid ula kac ah, waxayna shaaciyeen in darawalkii gaariga lagu xiray goobta. Baaritaana uu socda.
Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ka mid ahaa dadka ka tacsiyeeyay dhacdadan isla markiiba. Xafiiskiisa ayaa booqday Goobta uu Falka ka dhacday.