Home Wararka Maanta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari oo ku baaqay in maxkamad la horkeeno maxaabiista...

Golaha Wakiillada Waqooyi Bari oo ku baaqay in maxkamad la horkeeno maxaabiista Somaliland

0

Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar ku baaqaya in maxkamad la horkeeno saraakiisha iyo xubnaha lagu qabtay dagaalkii ka dhacay Goojacadde, kuwaas oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha.

Qoraal kasoo baxay Golaha, oo ku taariikhaysan 26-ka Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu gaaray fadhi caadi ah oo ay yeesheen xildhibaannadu, iyadoo lagu saleynayo waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha ee ilaalinta caddaaladda, sarreynta sharciga iyo dhowrista xuquuqda shacabka.

Goluhu wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay si degdeg ah u horgeyso maxkamadaha awoodda u leh dhammaan dadka loo haysto dambiyada la xiriira dagaalkii Goojacadde, si dacwadahooda loogu qaado hannaan waafaqsan sharciga.

Inkasta oo bayaanku uusan si toos ah u magacaabin shaqsiyaadka la maxkamadeynayo, haddana wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo dacwadaha la xiriira dadka ku jira xabsiyada maamulka ee loo haysto dambiyada ka dhanka ah Waqooyi Bari Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale adkeeyay in dacwadaha loo fuliyo si hufan oo caddaalad ah, isla markaana la dhowro dhammaan xuquuqaha uu sharcigu siinayo eedeysanayaasha inta ay socoto hannaanka garsoorka.

Saraakiil iyo askar ka tirsan Somaliland ayaa lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee ka dhacay duleedka Laascaanood sannadkii 2023, waxaana tan iyo markaas ay ku xirnaayeen xabsiyada maamulka Waqooyi Bari, iyadoo qaraarkan uu noqonayo tallaabadii ugu horreysay ee rasmi ah ee Golaha Wakiilladu ku dalbado in kiisaskooda loo gudbiyo maxkamadaha.