Home Wararka Maanta Gudiga Qeyraadka Barlamaanka Somaliya oo Sheegay Inaysan Waxba ka Ogeyn Heshiiska Turkiga

Gudiga Qeyraadka Barlamaanka Somaliya oo Sheegay Inaysan Waxba ka Ogeyn Heshiiska Turkiga

0

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray heshiiska shidaal qodista ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Nuqul ka mid ah heshiiskan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u dhignaa in Turkiga uu qaadan doono boqolkiiba 90 dhaqaalaha ka yimaada shidaalka laga soo saarayo Soomaaliya si uu helo kharashka uga baxaya shidaal qodista.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Kheyraadka ayaa lagu sheegay in Guddiga uusan waxba ka ogeyn heshiiskan u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Bayaanka waxaa lagu xusay in heshiiskan uu si cad u baalmarsan yahay shuruucda dalka, islamarkaana uu khiyaano ku yahay kalsoonida ummadda iyo xilka qaran ee ay hay’adaha Xukuumaddu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa qoraalka lagu xusay in waajib tahay in heshiiska labada dal la horkeeno Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka si ay u eegaan, uga doodaan haddii heshiiska uu yahay mid dan ugu jirta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Markii aan la tashanay khubaro madax-bannaan oo aqoon u leh arrimaha shidaalka iyo qandaraasyada la xiriira, waxaan ogaannay in heshiiskan uu ka hor imanayo qeyb ka mid ah Sharciga Batroolka”, sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka.

Wuxuu Guddiga shaaciyay in heshiiskan uusan ka turjumeyn danaha jiilka maanta iyo kan mustaqbalka ee ku saabsan ka faa’ideysiga kheyraadka shidaalka dalka.

Ugudambayn, Guddiga Kheyraadka ayaa wacad ku maray in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu yeeri doonaa Wasaarka Batroolka si uu fasiraad uga bixiyo heshiiskan lala soo saxiixday dowladda Turkiga.