Dowladda India ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dhowrista midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo iska fogeysay dhaq-dhaqaaqyada sii kordhaya ee gobolka ee lagu aqoonsanayo Somaliland.
Intii lagu jiray war-saxaafadeed soo baxay Jimcihii maanta, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa sheegay in New Delhi ay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
“Hindiya waxay Soomaaliya la leedahay xiriir soo jireen ah. Waxaan mar walba adkeyneynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka,” ayuu Jaiswal u sheegay wariyeyaasha, isagoo ka jawaabayay su’aalo la xiriira maamul iskiis isu dhawaaqay.
Hadalkaas ayaa imaanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, kaddib go’aankii Israa’iil ay dabayaaqadii sannadkii hore ku aqoonsatay Somaliland.
Soomaaliya, oo haatan haysa guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ballanqaadday inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo xuduudaheeda.
Hindiya waxay la safatay inta badan beesha caalamka iyo mowqifka Midowga Afrika ee ah in aan la taaban karin xuduudaha la dejiyay xilligii gumeysiga ka dib.








