Home Wararka Caalamka Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

0

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay iney weerarkaas fuliyeen.

“Waxaan beegsanay awoodaha milatari ee weli harsan ee saldhigyada milatari ee Suuriya ku leedahay Hama iyo garoonka diyaaradaha ee T4, iyo sidoo kale kaabayaasha milatari ee haray ee ku yaalla Dimishiq”

Idaacadda ciidamada Israa’iil ayaa iyana sheegtay in Ujeeddada ugu weyn ee weerarka Suuriya uu yahay digniin loo dirayo madaxweynaha Turkiga.

Saldhigyada milatari ee Suuriya ka yaalla ee Israa’iil ay xalay duqaysay waa Saldhigyada ay ogaatay  in Turkigu soo degi doono dhowaan si uu u xiro hawada dalka Siiriya taasoo Israel ka hor joogsaneysa iney fuliso duqeymo cirka ah.