Home Wararka Maanta Maamulka Khaatuma oo Ka Xumaaday in laga reebay Casuumaadii xalay

Maamulka Khaatuma oo Ka Xumaaday in laga reebay Casuumaadii xalay

0

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka carooday sababta looga reebay shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatuma oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay sababta maamulkooda looga tegay, wuxuuna sheegay in taasi ay muujineyso in weli aan la aqoonsan SSC-Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in danahooda lagu xirayo Somaliland oo weli maqan, sida uu hadalka u dhigay.

“In nala aqoonsadaa moodaayay, tolow ma Somaliland baa geed ugu xidhanahay oo lanala sugayaa?#8221; ayuu yiri Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale.

Dhinaca kale waxaa isla arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha baraha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay sababta looga tegay SSC-Khaatumo.

Maxamed Aar oo kamid ah dadkaas ayaa yiri “Maamul si sharci ah u jira baa maamul lagu sheegi karaa, lkn jufo kastaa hadday maamul sheegato waa wareer”.

Faysal Caaqil ” SSC iyo Puntland waa inay shir qabsadaan kadibna midoobaan, mamullada kale iyaga ka saamayn badnaan doona”.

Maxamed Jaamac “Laascoonood waa Somaliand, haddii la waasho iyo haddii la dagaalamo wax suuragal ahayn yaan lagu daalin”.

Marka laga tego carada SSC ee shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan, waxaana iyadana iska diiday Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Previous articleSomaliland oo war rasmi ah kasoo saartay xarigga fanaanadda caanka ah Ugbad Aragsan
Next articleMaamulka Puntland oo Go,aan lama filaan ah ka Qaatay xildhibaanada Ku Mata Dowlada Federalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here