Waxaa isa soo taraya walaaca ay qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ka qabaan ismariwaaga siyaasadeed ee muddada dheer ka taagan Soomaaliya, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay sheegeen in dowladda federaalka loo gudbiyay farriin digniin ah oo ka timid mid kamid ah dalalka taageera Soomaaliya, taasoo loogu sheegayo madaxda Soomaalida inay gaaraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor dhammaadka bisha Agoosto.
Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen, farriinta ayaa lagu gaarsiiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ka hor inta aan loo gudbin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in fariintu ay ka tarjumayso walaac sii kordhaya oo ay qabaan qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo aaminsan in khilaafka siyaasadeed uu halis gelin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.
Farriinta ayaa la sheegay inay ka digtay in taageerada horumarinta, maalgelinta mashaariicda iyo iskaashiga siyaasadeed dib loo qiimeyn karo haddii madaxda Soomaalida ay ku guuldareystaan inay toddobaadyada soo socda gaaraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in dib loo eegi karo heerka xiriirka diblomaasiyadeed haddii ismariwaagu sii socdo.
Wararkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay weli wajahdo muranno siyaasadeed oo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Khilaafaadkan ayaa dib u dhigay dadaallo lagu doonayay in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo saldhig u noqda geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.
Saaxiibbada caalamiga ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku celcelinayay baaqyada ay ugu jeedinayaan dhinacyada Soomaalida inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, iyagoo ku doodaya in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu muhiim u yahay sii socoshada taageerada caalamiga ah iyo xasilloonida dalka. Inkastoo warbixintu tilmaamayso in taageerada dibadda dib loo eegi karo, haddana ilaa hadda lama shaacin go’aan rasmi ah oo lagu hakinayo gargaarka ama lagu dhimayo iskaashiga Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasheeda.








