Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo Diyaar garow Xoogan ugu jira Dagaalka Daacish

Maamulka Puntland oo Diyaar garow Xoogan ugu jira Dagaalka Daacish

0

Puntland ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta  howlgal militari oo ay ku doonayso inay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari uga sifayso kooxda Daacish, oo si xooggan isugu fidisay degaanadaas.

Kumanaan askari oo katirsan ciidamada Puntland, kuwaas oo ku hubaysan gaadiid dagaal iyo hub, ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku sugan yihiin degaannada bariga fog ee gobolka Bari.

Mas’uuliyiin sar-sare oo katirsan saraakiisha ciidamada ayaa halkaas kula hadlay ciidanka, iyagoo ku boorriyay in loo diyaar garoobo hawlgallo waaweyn oo lagu baacsanayo kooxda Daacish.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo muddo toddobaadyo ah ku sugan gobolka Bari, ayaa hoggaaminaya qorshaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Madaxweynne Deni ayaa dhawaan sheegay in kooxda Daacish ay halis weyn ku tahay amniga Puntland, isagoo ku celceliyay sida ay muhiimka u tahay in lasoo afjaro qatarta ay kooxaha argigixisadu ku hayaan ammaaanka Puntland.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhawaan walaac xooggan ka muujiyay kororka dagaal-yahannada ajnebiga ah ee Daacish ee kusii qulqulaya buuralayda gobolka Bari ee Puntland, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago.

Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu ciidamada Puntland ka taageero duqeymaha ka dhanka ah Daacish inta uu howlgalku socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here