Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Erireya.
Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay dhigiisa Xasan Shiikh garoonka diyaaradaha Asmara Intermatonal.
Labada madax ee dawladda ayaa ka wada hadli doona xoojinta dheeriga ah ee xiriirka laba geesoodka ah iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee muhiimadda labada dhinac ah sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gabremeskel.
Xassan Shiikh ayaa isku dayaya inuu meesha ka saaro walaaca ay Eritrea ka qabto heshiiskii dhowaan ay turkiga ku kala saxiixdeen Somalia iyo Itoobiya kaasoo marin dhinaca badda ah u ogolaanayey Itoobiya.
Eritrea ayaa shaki ka muujisay is-fahamkii dhawaan dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo xal loogu raadinayey khilaafka u dhexeya labada dal.
La taliye u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa ka digay halista ay yeelan karto in Itoobiya ay saldhig ka hesho badda Cas.
Cabdulqaadir Idiris oo wasaaradda Arrimaha Dibedda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya iyo Afrika, ayaa sheegay in madmadow badan uu ku jiro heshiiska Itoobiya iyo soomaaliya ee Ankara lagu saxiixay.