Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa dhalisay walaac weyn oo la xiriira mustaqbalka howlgalka caalamiga ah ee la dagaallama kooxda Al-Shabaab. Diidmada Mareykanka ayaa imaaneysa iyadoo Golaha Ammaanka uu qorsheynayo inuu 15-ka Maajo u codeeyo qaab-maaliyadeedka isku-dhafka ah ee ku saleysan Qaraarka 2719.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sidoo kale muujiyay walaac xoogan. Warbixin uu 10-kii Abriil u gudbiyay Golaha Ammaanka ayuu ku sheegay in dhaqaale la’aanta jirta ay si weyn halis ugu tahay hawlgalka AUSSOM.
Guterres wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in la taageero codsiga maalgelinta si loo helo nidaam dhaqaale oo waara oo la saadaalin karo, taasoo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.