Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo isku Raacay in Mareykanka uu ku Qaldanaa Weerarka Iiraan

Midowga Yurub oo isku Raacay in Mareykanka uu ku Qaldanaa Weerarka Iiraan

0
Photo/Reuters

Mas’uuliyiin reer Yurub ah ayaa waxay  sheegeen  in duqeymaha Mareykanka uu la beegsaday xarumaha nukliyeerka ee Iran ay xiisadda  uga  sii dareen, iyaga oo xusay in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay hadda aad uga go’an tahay inay helaan hub nukliyeer ah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa waxa uu sheegay  in shacabka  guud uu aad u caraysan yahay, uusan jirin  qof hadda ku dhiirran kara  inuu ka hadlo wadaxaajood ama diblumaasiyad.

Kormeerayaashii Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA)  ayaa ka baxay Iran.

Ilo reer Galbeed ah ayaa sheegay in hay’adda ay kormeerayaasheeda ka  soo saartay Iran sababo la xiriira amnigooda.

Laurence Norman, weriye ka tirsan The Wall Street Journal, ayaa ku sheegay bartiisa X (horey Twitter) in kormeerayaashu ay Iran ka baxeen iyagoo sii maray xadka woqooyi-galbeed, una gudbay dhulka Armenia.

Kormeerayaasheeda ayaa la filayaa  in ay tagaan  xarunta dhexe ee hay’adda ee Vienna.

Dhinaca kale, Wargeyska Telegraph ayaa kashifay 5 saldhig milatari oo Israa’iil ah oo ay Iran bartilmaameedsatay

Wargeyska Telegraph ayaa waxa uu  sheegay in gantaallada Iiraan ay  si toos ah u duqeeyeen 5 xarumood oo milatari oo Israa’iili leedahay  ah intii lagu  guda jiray dagaalkii 12-ka maalmood ee u dambeeysay.

Tani waxay ku saleysan tahay xogta radar-ka oo aan la shaacin sababo la xiriira xannibaad adag oo ay ciidamada difaaca Israa’iil saareen