Home Wararka Maanta Muxuu yahay muuqaalka ay sii daysay Xamaas ee xaaladda ku sii xumayn...

Muxuu yahay muuqaalka ay sii daysay Xamaas ee xaaladda ku sii xumayn kara Israa’iil

0
FILE - Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu attends the weekly cabinet meeting in the prime minister's office in Jerusalem, Sunday, June 25, 2023. Netanyahu's office says he has been rushed to a hospital but that is in “good condition” as he undergoes a medical evaluation. The Israeli leader’s office said he was being treated on Saturday, July 15, 2023 at Israel’s Sheba Hospital, near Tel Aviv. (Abir Sultan/Pool Photo via AP, File)

Ururka Xamaas ayaa baahiyey muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha labo ka mida maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee lagu haysto Qasa.

Muuqaallada waxaa ka soo muuqday labo ka mida la haystayaal lagu kala magaacabo Keith Siegel iyo Omri Miran. Labaduba waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii Xamaas ay ku soo qafaalatay weerrarkii ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October.

Labadan ninba waxay ka hadlayeen xaaladooda iyagoo dareenkooda ku muujiyey farriin ay u direen qoysaskooda, waxayna codsanayaan in ala sii daayo.

Miran, ayaa laga qafaashay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Nahal Oz isaga oo ay hor taagan yihiin xaaskiisa iyo laba gabdhood oo yaryar intii lagu jiray weerrarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil lix bilood ka hor.

Siegel, oo haysta labo dhalasho oo mid ka mida ay tahay Maraykan ayaa isaga iyo xaaskiisa Aviva, laga laga afduubay magaalo ku taalla xaduuda basle markii danbe ayaa la sii daayey xaaaskiisa intii lagu jiray xabbad joojin kooban oo bishii Nofembar ahayd.

Warbixin muuqaal ah oo ay soo saartay xaaska Keith ee Aviva ayay ku tiri: “Keith, waan ku jeclahay, waan dagaalami doonnaa ilaa aad soo noqoto.”

Horaantii bishaan, waxay BBC-da uga warantay sida lamaanahan loo afduubtay loona geeyey marin dhulka hoostiisa ah iyagoo xilligaas hadba meel la gaynayey. Waqtiga wareysiga, waxay sheegtay in aysan ogeyn in Keith uu weli nool yahay iyo in kale.

Gabadha uu dhalay Keith, Ilan, ayaa tiri “In aan aragno aabbahay maanta waxay inoo xoojinaysaa dhammaanteen inay tahay inaan heshiis gaadhno sida ugu dhaqsaha badan oo qof walba gurigiisa loo keeno.”

Si la mida Ilan, gabadhiisa kale Shir, ayaa sheegtay in muuqalka la daawaday ka dib ay rajaynayso in aabbaheed si nabdoon ku soo laaban doono.

Dani Miran, aabbaha Omri, oo ka hadlayey banaanbaxa toddobaadlaha ah ee Tel Aviv ee lagu dalbanayo in la qaado tallaabo lagu sii daynayo la haystayaasha ayaa jeediyey khudbad dareen leh, isagoo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko muuqaalka wiilkiisa, wuxuu rajo ka muujiyey inuu “noolaado”

Aabbahan la haysto wiilkiisa ayaa ugu baaqay dowladda, si gaar ahna u magac dhabay xubnaha ka mida wasiirada Israa’iil ee kala ah wasiirka Amniga Qaranka, Itamar ben Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich, inay xaqiijiyaan heshiiska si loo sii daayo la haystayaasha.

Sidoo kale waxa uu baaq u jeediyey ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “inuu ansixiyo heshiis kasta oo macquul ah”.

“Hal tallaabo yar oo aan dhiig ku daadan u qaad labada shacab,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “Dhammaan dadka Israa’iil iyo quruumaha adduunku waxay doonayaan inay arkaan joojinta dhiigga daadanaya iyo gaar ahaan joojinta dhibaatada dadkaaga.”ayuu intaas raaciyey.

Muuqaalka la haystayaasha oo dhammaystiran ayaa lagu soo bandhigay shaashadaha waaweyn ee agagaarka fagaaraha isu soo baxayaashu ku sugnaayeen.

Qoysaska ay ka soo jeedaan dadka u afduuban Xamaas ayaa muuqaalka ka dib waxay xoojiyeen dalabkooda ah in dowladda Israa’iil ay tahay inay sameyso wax walba si ay u ansixiyaan heshiiska soo celinta dhammaan la haystayaasha.

Iyagoo ka hadlayey muuqaalka ay sii daayeen garabka hubaysan ee Xamaas, Siegel, oo 64 jir ah, iyo Mr Miran, oo 46 jir ah, ayaa ku booriyay dawladda Israa’iil inay heshiis la gasho Xamaas xabbad-joojin ah si ay u sii dayaan la haystayaasha.

“Waxaan halkan ku jiray 202 maalmood, xaaladda halkan waa mid aan fiicneyn, adag, waxaana jira bambooyin badan,” Mr Miran oo sidaa leh ayaa la maqlayaa muuqaalka.

Fiidiyowga ayaa la daabacay intii lagu jiray fasaxa Passoverka, oo ah xus dhaqameed ay Yuhuudu maamuusaan. Muuqaalka ayaa u muuqda in la duubay dhawaan.

Previous articleDowladda Mareykanka oo sheegtay Waxa ay kasamaynayso Musuqii lagula Kacay Ciidanka Danab
Next articleXildhibaan Ka Tirsanaa Koofur Galbeed Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here