Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo si toos ah usoo faro-gelisay doodda xoogan ee haatan...

Qaramada Midoobay oo si toos ah usoo faro-gelisay doodda xoogan ee haatan ka taagan wax ka bedddelka dastuurka

0

Qaramada Midoobay ayaa si toos ah usoo faro-gelisay doodda xoogan ee haatan ka taagan wax ka bedddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo ay haatan isku hayaan dowladda federaalka, xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale Puntland.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo maanta la kulantay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa kala hadashay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doodda ka taagan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog wareystay horumarka illaa iyo hadda laga gaaray dib u eegista dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa si gaar ah wasiirka ugala hadashay in laga fakiro qoondada haweenka ee dhanka siyaasadda, maadaama ay qayb weyn ku leeyihiin gabdhuhu horumarka dalka.

“Horumarka laga gaaray dib u eegista dastuurka Soomaaliya, la jaanqaadkiisa heerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo ka mid noqoshada qoondada haweenka ee siyaasadda ayaa lagu soo qaatay kulan todobaadkan ay Muqdisho ku yeesheen Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana baarlamaanka Soomaaliya uu haatan ku howlan yahay wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer soo socday.

Qorshahan ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Villa Soomaaliya oo taageero ka heleyo hoggaamiyeyaasha maamullada dalka, marka laga reebo dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war dhowrayaa go’aanka labada Aqal ee baarlamaanka oo haatan ku howlan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Previous articleSiyaasi kasoo Goostay Soomaaliland oo Muqdisho lagu soo Dhaweeyey(Sawiro)
Next articleXamsa Cabdi Barre oo daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladimada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here