Home Wararka Caalamka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan oo Hoggaaminaya Dalalka Ugu Musuqmaasuqa Badan Dunida

Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan oo Hoggaaminaya Dalalka Ugu Musuqmaasuqa Badan Dunida

0

Dalalka Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya ayaa noqday kuwa ugu musuqmaasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay Warbixinta Tusmada Aragtida Musuqmaasuqa ee 2025 (Corruption Perceptions Index – CPI) oo ay soo saartay hay’adda Transparency International.

Warbixintu waxay muujisay in Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya ay wadaagaan dhibcaha ugu hooseeya, iyagoo helay 9 dhibcood oo keliya 100 dhibcood ee darajada, taas oo ka tarjumaysa heer aad u sarreeya oo musuqmaasuq ah oo ka jira hay’adaha dowladda iyo waaxyaha dadweynaha ee labada dal.

Sidoo kale, dalalka Liibiya, Eritrea, iyo Suudaan ayaa ka mid noqday shanta dal ee ugu musuqmaasuqa badan dunida, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla qaaradda Afrika, sida lagu xusay warbixinta.

Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaantay in Seychelles uu yahay dalka ugu musuqmaasuqa yar Afrika, waxaana ku xiga Cape Verde, Botswana, iyo Rwanda, kuwaas oo lagu ammaanay horumarka ay ka sameeyeen daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Transparency International ayaa ka digtay in musuqmaasuqu weli yahay khatar weyn oo caalami ah, iyadoo sababaha ugu waaweyn lagu sheegay rabitaan siyaasadeed oo daciif ah, hoos u dhac ku yimid hay’adaha dimuqraadiyadda, iyo maamul xumo baahsan.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dalalka darajooyinka ugu hooseeya ku jira ay inta badan wadaagaan xasillooni-darro daba-dheeraatay, cabudhinta ra’yiga muwaadiniinta, iyo sharciyo la dagaallama musuqmaasuqa oo si liidata loo dhaqan geliyo.

Warbixinta CPI ee 2025 ayaa qiimeysay 182 dal oo caalamka ah, iyadoo la xusay in aanay jirin hal dal oo Afrikaan ah oo galay tobanka dal ee ugu musuqmaasuqa yar dunida, kuwaas oo inta badan ay hoggaaminayaan dalal ku yaalla qaaradda Yurub.

Warbixintan ayaa mar kale muujinaysa caqabadaha waaweyn ee ka hor taagan dowladnimada, horumarka, iyo kalsoonida dadweynaha ee dalal badan oo Afrika ah, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen colaadaha, dacfiga hay’adaha dowliga ah, iyo faragelinta siyaasadeed.