Home Wararka Maanta Turkiga oo Maraakiib Dagaal iyo Kuwo Sahamin Shidaal Keenay Magaalada Muqdisho

Turkiga oo Maraakiib Dagaal iyo Kuwo Sahamin Shidaal Keenay Magaalada Muqdisho

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdi Cali, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo dhaweeyay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Turkiga.

Imaanshaha maraakiibtan dagaal ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayaynta iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca, si loo sugo amniga badaha dalka loona ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah.

Xafladda soo dhaweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Kaaliyaha Guud ee Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil ciidan oo kale.

Saraakiisha ka howlgala Dekada Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in markab sahamin iyo qodid shidaal uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, isagoo ay wehlinayso markab kale oo amni.

Maraakiibtan ayaa la sheegay inay horraantii sanadkan ka soo shiraaceen dalka Turkiga, kadib heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara, kaas oo ku saabsan sahminta iyo qodista shidaalka badda Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in si weyn loo adkeeyay ammaanka xeebaha, gaar ahaan meelihii lagu sameeyay sahaminta seismic-ga ee hordhaca ah sanadkii 2024.

Dowladda Turkiga ayaa lagu warramayaa inay adeegsatay diyaarado milatari oo duuliye leh iyo kuwo aan duuliye lahayn (drones) si loo ilaaliyo maraakiibta iyo goobaha sahminta.

Markii hore, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qorsheynayay in hawlaha qodista shidaalka ay billowdaan dabayaaqada 2025, balse jadwalkaas ayaa dib loogu dhigay bilowga 2026.

Hadda oo maraakiibtu soo gaareen Muqdisho, waxaa la filayaa in hawlaha qodista ay bilaabmaan waqti dhow.