Home Wararka Maanta Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar dhowe jiho ah ku qaadeen tuulada Haamcaduur ee gobolka Galgaduud.

Ilo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka ayaa sheegaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshe si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu dhan yahay.

Gobolka Galgaduud waxa uu ka mid yahay gobolada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ay sida weyn u kordhiyeen Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka.