Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Jiicbor ee Galbeedka gobolka Mudug.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Jiicbor ayaa lasoo warinaya inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed, kaasoo ka bilaawday muran xoogan oo ka dhashay dhul daaqsimeed halkaasi ku yaala.
Labada Maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay deegaanka Jiicbor ayaa kasoo kala jeedo magaalooyinka Saaxo iyo Goldogob, waxaana lasoo warinaya in wali labada dhinac ay isku horfadhiyaan meelo aan ka fogeyn goobahii ay maanta ku dagaalameen.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ilaa 5 ruux oo dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah ay ku dhinteen dagaalka Jiicbor, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in qoysas badan ay ka barakaceen guryahooda kuwaas oo ka cabsi qaba in waxyeelo kasoo gaarto dagaalka u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed oo mar waliba la filan karo inuu dib uga qarxo halkaas.
Ugu dambeyntii dagaal beeleedkaan ayaa kuso aadaya, iyadoo horay dhowr jeer deegaanadaan uga dhaceen dagaal beeleedyo khasaarooyin kala duwan geystay, waxaana xusid mudan in maamulada Galmudug iyo Puntland ay ku fashilmeen wax ka qabashada dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay deegaanada maamuladaas.