Home Wararka Caalamka Wararkii ugu Danbeeyay Dagaalka India iyo Pakistan oo faraha kasii baxaya

Wararkii ugu Danbeeyay Dagaalka India iyo Pakistan oo faraha kasii baxaya

0

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in Pakistan ay ka jawaabeyso weerarrada India.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Sharif ku cambaareeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “fal dagaal ah.” oo mudan in jawaab adag laga bixiyo.

“Pakistan si adag ayay u weerarri doontaa Hindiya .. xaq ayaan u leenahay inan jawaab adag ka bixino weerarka Hindiya.” ayuu yiri RW Pakistan

Hadalkan ayaa yimid wax yar ka dib markii caawa ay India  saddex gantaal ku dhufatay goobo ku yaalla gobollada Kashmir iyo Punjab, waxaana mid ka mid ah gantaaladan uu beegsaday garoonkii hore ee diyaaradaha ee Muzaffarabad, oo ku yaalla qaybta Kashmir ee ay Pakistan maamusho.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay billowday hawlgal ay ku beegsaneyso waxa ay ugu yeertay “kaabayaasha argagixisada” ee ku sugan Pakistan iyo Jammu & Kashmir. Waxay intaa ku dartay in ciidamadeedu ay duqeeyeen 9 goobood oo Pakistan leedahay.

Sidoo kale, dowladda Hindiya waxay sheegtay in hawlgalku uu ahaa “mid bartilmaameedsan, si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana aan kor u sii kicin xaaladda”, iyadoo xustay inaysan beegsan wax xarumo milatari ah oo Pakistan leedahay.

Dhankeeda, Pakistan soo riday labo diyaaradood ee kuwa dagaalka ee Hindiya oo lagu sheegay inay ahaayeen Rafale, mid kasta oo ka mid ah waxay joogtaa $288 milyan.