Gudaha Ruushka saacadihii u dambeeyay waxaa ka socda dhacdooyinka la yaab leh Wasiirka Gaadiidka Ruushka Roman Starovoyt ayaa xabbad madaxa isaga dhuftay oo isdilay wax yar kaddib markii Madaxweyne Putin uu si deg deg xilka uga qaaday.
Starovoyt ayaa horey u ahaa guddoomiyaha gobolka Kursk waxaana uu door muuqda ku lahaa howlaha gaadiidka iyo amniga gudaha ee Ruushka.
In lagu magacaabo muddo ka dibna lagaa qaado waa wax caadi ah balse waxaa lala yaaban yahay sababta uu wasirkan isku dilay markii shaqada laga eryey taasoo ay dad badan isweydiinayaan.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka madaxa waaxda dhulka oo ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan Ruushka ee gacanta ku heysa qaab dhismeedka dhulalka Andrey Korneichuk ayaa isagoo shir ka socda xarunta wasaaradda gaadiidka Ruushka ku sugan wuxuu u dhintay wadnaha oo istaagay wax u muuqda in sun la cabsiiyay
Geeridan lama filaan ah waxay sii kordhinaysaa liiska saraakiil sare oo Ruush ah oo si lama filaan ah u geeriyoonaya tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine taas oo dhalisay dareenno iyo tuhuno ku saabsan waxa ka soconaya gudaha Kremlin ka