
Västerås, Sweden — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii nin dhalinyaro ah oo seef watay uu weerar ka geystay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Västerås ee dalka Sweden.
Booliiska ayaa qabtay nin looga shakisan yahay weerarka oo da’diisa lagu sheegay ku dhowaad 18 sano. Booliisku waxay xaqiijiyeen in rasaas nool la adeegsaday intii lagu guda jiray qabashada, waxaana la toogtay qofka looga shakisan yahay.
Booliiska ayaa sheegay in qofka dhintay laga helay gudaha dhismaha iskuulka xilli ay ciidamada amniga sii wadeen baaritaanka iyo sugidda dhismaha.
Sida uu sheegay madaxa booliiska deegaanka, Tommy Alriksson, laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa qaba dhaawacyo halis ah, halka qof saddexaad uu isna dhaawacmay.
Booliiska ayaa baaritaanno ka sameeyay laba goobood oo ku yaalla Västerås, kuwaas oo lala xiriiriyay ninka la qabtay.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in aysan hadda jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in weerarka ay ka dambeeyeen dad ka badan hal qof.
Dhacdadan ayaa loo aqoonsaday “dhacdo gaar ah”, taas oo ah nidaam ay booliisku adeegsadaan marka ay dhacdo xaalad culus oo u baahan ciidamo, wdheeraad ah.
Baaritaanka ayaa weli socda, waxaana booliisku isku dayayaan inay ogaadaan sababta iyo faahfaahinta weerarka.







