Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay hotel Qaahira oo ku yaala magaalada Baledweyne.
Weerarka oo qaraxyo waa weyn oo ismiidaamin ahaa ku bilaawday ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa 7 ruux oo isugu jira Nabadoono, Saraakiil ciidan iyo dad shacab ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo u badan shacab ah.
Maamulka degmada Baledweyne ayaa shaaciyay in lasoo afjaray kooxda hotelka ka dagalaameysay, islamarkaana ciidamada dowlada ku guulaysteen ineey toogtaan kooxihii weerarka soo qaaday.
“Kooxda hotelka weerartay waxay ahaayeen lix dhagar qabe 4 ka mid ah way is qarxiyeen, labada kalana waxaa toogasho ku dilay ciidanka amaanka, ciidamada waxay ku howlanayeen ilaa shalay soo badbaadinta odayaal, saraakiil iyo dad kalo shacab ah oo badan oo ku jiray hotelka, waxaana howlgalka ay soo afjareen saqdii dhexe ee Xalay, hada subaxan waxan ku suganahay gudaha hotelka oo ciidamada ayaa wada baaritaano la xariira dhagarta kooxda Al-shabaab iyo in qaraxyo ay ku xireen dhismaha guriga” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baledweyne Cumar Calasow.
Si kastaba ha ahaatee weerarkaan lasoo afjaray ayaa ahaa mid sababay saacadahii lasoo dhaafay in xaalado adag oo dhanka nolosha ah, kadib markii hawada laga saaray Isgaarsiinta oo aheyd halka kaliya ay dadka reer Baledweyne kaga maareeyaan noloshooda, maadama aysan magaaladu ka shaqeyneyn lacagta shilinka Soomaaliga ah.
Xaalada guud ee magaalada Baledweyne ayaa saakay ah mid ka wanaagsan sidii shalay waxaana maanta dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo ganacsiga, waxaana sidoo kale dib hawada ugu soo laabtay isticmaalka Isgaarsiinta oo reer Baledweyne u ah udub dhaxaadka nolol maalmeedkooda.