Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay sababtii uu u xumaaday xiriirka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in khilaafka jira uu salka ku hayo mowqifka UAE ee ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo wareysi siinayay Aljazeera ayaa caddeeyay in Imaaraadka Carabta ay muddo taageero siinayeen Soomaaliya, balse taageeradaas aysan miro dhal noqon karin haddii ay la socoto in dalka loo wajaho si kala-qaybsan, loona macaamilo maamullo iyo gobollo gooni-gooni ah halkii laga la macaamili lahaa Dowladda Federaalka oo ah hay’adda kaliya ee sharciyadda leh.
“Waxaan si cad uga codsanay Imaaraadka in ay Soomaaliya ula macaamilaan hal dowlad iyo hal qaran. Taasi waxay nagu ahayd arrin aan gorgortan ka galayn,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii uu fashilmay wada-hadalkii arrintaas ku saabsanaa, ay dowladda Soomaaliya go’aan ku gaartay in la joojiyo dhammaan iskaashiyadii amni, difaac iyo dhaqaale ee ay la lahayd UAE, isla markaana laga codsaday dhammaan hay’adihii iyo shaqaalihii ku shaqeynayay heshiisyadaas inay dalka ka baxaan.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu wuxuu xusay in xiriirka diblomaasiyadeed uusan go’in, iyadoo safaaradaha labada dal ay weli shaqeynayaan, taasoo muujinaysa in Soomaaliya ay doorbidayso xallin ku dhisan ixtiraam qaranimo iyo wada-hadal siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan marna aqbali doonin taageero kasta oo horseedaysa kala-qaybin cusub, isagoo xusay in dalka uu mar hore dhib badan ka soo maray burbur iyo kala-daadsanaan, islamarkaana aan la oggolaan doonin in dib loogu laabto waddooyinkaas.








