Home Wararka Maanta Xog Muhiim Ah:- Dowlada Imaaraadka oo Ciidan Colombia Ah ka Dejisay Boosaaso

Xog Muhiim Ah:- Dowlada Imaaraadka oo Ciidan Colombia Ah ka Dejisay Boosaaso

0

Macluumaadka amniga ee la xiriira ee qaabka Imaaraadku u adeegsado garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa iftiimiyay in garoonka ay si joogto ah uga soo dagaan ciidamo Colombian ah oo loo daabulo dalka Suudaan, inkastoo aan la ogeyn cidda bixisay fiisaha, maadaama Muqdisho aysan ku lug lahayn xiriirka Imaaraadka iyo Puntland.

Warbixinno cusub ayaa muujinaya in ku dhowaad 300 askari oo hore uga tirsanaa ciidamada Colombia ay hadda ka dagaallamayaan gudaha Suudaan, gaar ahaan dhinaca ciidamada Rapid Support Forces (RSF).

Warbixintan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee La Silla Vacía ayaa sheegaysa in askartan lagu qaatay heshiisyo been abuur ah oo ay bixisay shirkadda Colombian-ka ah ee International Services Agency A4SI, iyada oo loo ballanqaaday inay ilaalin doonaan xarumaha shidaalka ee Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, askartan ayaa la geeyay Liibiya ka dibna Boosaaso halkaas oo lagu wareejiyay wakiillo ka tirsan RSF, ka hor inta aan si qarsoodi ah loogu gudbin Suudaan si ay uga qaybqaataan dagaalka.

Sida lagu sheegay warbixinta, askartan ayaa la geeyay magaalada Boosaaso, ka hor inta aan loo gudbin Suudaan, si ay uga qaybqaataan hawlgallada RSF ee ka socda magaalada El Fasher ee waqooyiga Darfur. Inta lagu guda jiray dagaalladaas, saddex askari oo Colombian ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen horaantii sanadkaan.

Xaaladda cakiran ee Suudaan ayaa sii xumaatay iyadoo ay jiraan warbixino muujinaya in askar hore oo Colombian ah loo adeegsaday dagaalka, taasoo keentay walaac weyn oo caalami ah.

Imaaraadka ayaa si joogto ah ugu lug leh colaadaha ka Aloosan Africa isaga oo adeegsanaya tiro colooshood u shaqaystayaal ah.