Home Wararka Maanta Xubin katirsanaa kooxda Daacish oo isku soo dhiibay ciidamada Puntland

Xubin katirsanaa kooxda Daacish oo isku soo dhiibay ciidamada Puntland

0

Xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland, kaasoo horey ay makamadda ciidamada Puntland ay ugu xukuntay dil toogasho.

Xubintan isisoo dhiibtay ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Shirwac oo loo yaqaanay Laahoor, waxaana uu ahaa Madaxii Kooxda Daacish u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Laahoor ayaa isku soo dhiibay ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Unuun oo ku dhow magaalo xeebeedka Qandala, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Isu soo dhiibiddiisa Puntland ayaa ku soo beegantay iyadoo Puntland ay xoojisay ololaha dagaal ee ka dhanka ah Daacishta ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad, iyadoo taageero ka helaysa duqeymaha Mareykanka ee lagu doonayo in lagu wiiqo awooda taliska kooxda.

Weerar ay qaadeen ciidamada Mareykanka 1-dii bishii Febraayo ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay taliyeyaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda Daacish.

Afhayeen u hadlay ciidamada ammaanka Puntland  ayaa ku tilmaamay isa soo dhiibista Laahoor inay tahay guul istiraatiji ah oo ka dhan ah argagixisada, isagoo intaa ku daray in qabashadiisa ay wax weyn ka tari doonto awoodda Daacish ee fulinta dilalka qorsheysan.

Bishii June ee sannadkii 2022, ayaa Cabdiraxmaan Loohaar lagu xukumay xukun dil ah. isagoo lagu eedeeyay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Daacish  oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray Boosaaso.

Afar nin oo xukun dil ah ay ku ridday Puntland ayaa sheegay inuu Laahoor yahay hoggaamiyahooda bixin jiray amarada lagu fuliyo dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Bosaso, inkastoo laahoor uu  beeniyay eedeymihiisa mar uu wareysi bixiyay xukunkiisa kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here