Home Wararka Caalamka Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliland oo Si layaab leh uga Hadlay Wixii jimcihii...

Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliland oo Si layaab leh uga Hadlay Wixii jimcihii ka Dhacay Goojacade

0

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa guuldaradii gaartay ciidanka SL jimcihii lasoo dhaafay ku sheegay in ay ku timi xisaab khaldantay, oo hadda la saxayo, dadka Hargeysa oo uu la hadlayay ayuu sheegay in ay tahay in aan ciidan kala saarsarin (reer-reer loo maagin) afxumada laga daayo, niyadana loo dajiyo.

Suldaanka guud ee Salaadiinta Somaliland oo ku labisan tuutaha ciidamada ayaa madasha ka sheegay in ay garabtaagan yihiin ciidamada, oo ay ku taagerayaan duulaan ay ku qaadaan Laascaanood iyo waxa ugu yeeray xaduudihii Gumeystuhu katagey.

Suldaanka ayaa ugu yeeray in qof kasta howshaas qeyb kanoqdo, taas oo muujinaysa xaqiiqada taala Somaliland, sida ay masraxa uga fog tahay.

Duqa Hargeysa oo dareenkiisa xakameyn waayayna wuxuu sheegay in ciidamada SL aysan jabine meshii la doono dunida ay tagayaan.

Previous articleFaadumo Ugaas Carab oo 11 jir ahayd oo la kufsaday Kadibna Ladilay
Next articleWar Deg Deg ah:Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Gacanta Ku Dhigay mid kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here