Laacibkii hore ee dalka Argentina Diego Maradona ayaa la dhigay isbitaalka La Plata, ee koonfurta caasimadda Buenos Aires kadib markii uu ku xanuunsaday gurigiisa.

Wararka ayaa sheegaya in looga cabsiqabo in uu la ildaran yahay cudurka coronavirus oo faro-ba`an ku haya dalka Argentina.

Maradona ayaa sidiisa kale uu aad u liitaa caafimaadkiisa, waxaana arrintaasi loo aaneynaa daroogo iyo alkohol tiro badan oo uu isticmaalo.

Dhawaan ayuu laacibkan hore buuxiyay da`da 60 sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*