Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muse Biixi Cabdi, ayaa maanta safarkiisii u horreeyey ku tagay jamhuuriyadda Djibouti, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Djibouti kusoo dhoweeyay madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Gelle.

Wafdigan ayaa soo dhoweynta garoonka kadib loo dhaadhiciyay hotelka Kimbiski ee magaalada, waxaa uusi rasmi ah u bilaaban doonaa kulamadooda maalinta beritto ah.

Madaxwene Muuse Biixii ayaa waxaa safarkiisan ku wehliya wasiirka arrimahada dibedda Somaliland Sacad Cali Shire, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka cadaaladda.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*