Booliska degmada Kaaraan ayaa xalay waxa ay gacanta ku soo dhigeen nin tuug ah oo qori uu gacantiisa ku farsameystay dadka ku dhici jiray, kadib hawlgal ay ka sameeyeen goobta uu dadka ku dhici jiray.

Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax oo loo ekeysiiyay qoriga loo yaqaan AK-47, sida lagu soo bandhigay sawir laga soo qaaday.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay in tuugaan dhibaato wayn ku hayay shacabka degmada Kaaraan oo moobeelada iyo hantiyooyinka kale uu ka dhici jiray, wuxuuna intaa ku daray in dhowr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayuu sheegay guddoomiyuhu in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado.

One Comment

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    SIIS U XUNYAHAY IYO WAXOW KU KACAAYO ARAG

    WAR ISLA MARKII GACMAHA HALAGA GOOYO ama HALAGU WAREEJIYO

    WLAALA eena ALSHAAAB AYAGAA U TALINAYO

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*