Waxaa xalay lagu fuliyay xabsiga Terre Haute ee gobolka Indiana xukun dil ah kaas oo lagu qaaday Brandon Bernard oo ah nin madow oo 40 jir ah.

Mr. Brandon ayaa sannadkii 1999-kii ku lug-yeeshay fal dil ah kaas oo gobolka Texas loogu geystay lammaane caddaan ah oo lagu magacaabay Todd iyo Stacie Bagley xilli ay ku safrayeen gaar islamarkaana lagu dhex gubay dilka kadib.

Isaga iyo afar kale ayaa lagu helay dambiga, kuwaas oo dhammaantood ahaa 18 sano jirro iyo wax ka yar.

Iyadoo ay xisaabsan yihiin maalmaha madaxweyne Donald Trump ee Aqalka Cad, ayaa maamulkiisa wuxuu qorsheynayaa in uu amro fulinta dhowr xukun oo dil ah.

Shan xukun oo dil ah ayaa lagu wadaa in la fuliyo ka hor caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden oo dhici doonta 20-ka January – tan oo jebineysa xeerkii jiray 130-kii sano ee la soo dhaafay ee hakinta xukunnada dilalka ah inta lagu guda jiro muddada xil wareejinta madaxtinnimo.

Haddii dhammaan shanta xukun la fuliyo, Mr Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii amray fulinta xukunnada dilka ee ugu badan wax ka badan muddo qarni laga joodo, waxayna tirada ka dhigeysaa 13 dil oo la fuliyay tan iyo bishii July sanadkan.

Trump ayaa bishii July ee sannadkan dib usoo celiyay xukunnada dilka ee maamul-goboleedyda xilli ay xayirneyd muddo 17 sano ah, waxaana tan iyo markaas la dilay dad gaaraya 9 ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*