Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlammaanka oo gaaray caasimadda Puntland

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyam Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimaada Puntland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubo kale.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Guddoomiye Cabdi Xaashi uu Garoowe uga qeyb geli doono Shir looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, kaasi oo u furmi doona Madaxda dowlada Goboleedyada iyo Musharaxiinta Madaxweynaha.

Sidoo kale qaar kamid ah musharaxiinta ayaa saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay gaaraan Magaalada Garoowe, iyagoona ka ambabixi doona Caasimadda dalka ee Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka.

Dhanka kale  guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka iyo wafdi Xildhibaano oo la socday, ayaa iyana si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa Guddooomiye Maxamed Mursal uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *