Qarax xooggan ayaa saakay ka dhacay bannaanka hore ee ekadda weyn ee magaalada  Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa mid mid ismiidaamin islamarkaana loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray xarunta laanta canshuuraha booliska Soomaaliya ay ku leeyihiin kasoo horjeeda dekadda weyn ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga waday qaraxa uu si xoog ah ku soo dhaafay bar koontarool oo ciidanka booliska ku leeyihiin agagaarka laanta canshuuraha, hayeeshee markii dambe rasaas lagu furay uu gaariga qarxay.

 Khasaaraha shan askari oo ka tirsan ciidanka booliska dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, halka uu dhintay ruuxii gaariga waday.

Askarta ku dhaawacantay qaraxa ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka Muqdisho.