Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaaho ayaa magaalada Addis Ababa kulamo gaar ah kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa shir-madaxeedka 30-aad ee Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Madaxda uu Farmaajo la kulmay ayaa ahaa kuwa ku midoobay urur goboleedka IGAD ee xiriirka dhow la wadaaga Somalia, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iyo iskaashiga wadamada gobolka.
Madaxweyneyaasha uu la kulmay Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Yoweri Museveni-ga Ugandha, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi, Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa dhiggiisa Jabuuti uga mahadceliyey dadaalka badan ee uu galiyey dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo garab istaagga ay muujiyaan mar walba. Madaxweyne Geele ayaa dhiniciisa ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya isaga oo adkeeyay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Ciidamada Soomaaliyeed, arrintaasna ay Jabuuti kaalin weyn ka qaadan doonto.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashiir ayaa inta badan looga hadlay dhismaha Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhisidda Ciidanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay kabsasho fiican sameysay sannadihii ugu dambeeyey, walina ay jiraan qorshayaal la rabo in laga caawiyo sidii loo dhammeystiri lahaa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan kulankii ay yeesheen waxa ay isku soo qaadeen xaaladda Koofurta Suudaan. Si gaar ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane Salva Kiir ka wareystay Xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Koofurta Suudaan.
Madaxweynaha Koofurta Suudaan waxa uu ammaanay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkiisa kunool, waxa uuna sheegay in ay horumarka Koonfurta Suudaan gacan weyn ka geysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn, labada Masuul ayuu Madaxweynuhu mid kasta kala hadlay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka shaqeynta xasilinta Soomaaliya.

Madaxweyne Famaajo waxa uu la kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya iyo Burundi ay isdhaafsi ganacsi samaystaan. Mudane Sindimwo ayaa sheegay in Ciidamadooda jooga Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan Nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, isagoo sheegay in Madaxda Afrika uu la kulmay ay isku afgarteen in Ciidamada Soomaaliya la taageero.
Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi ayaa ku casumay Madaxweyne Farmaajo shir bisha Abriil ee sannadkan ka dhici doona Burundi, oo ay yeelan doonaan dalalka ku bahoobay Ururka COMESA, Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaaddaas.
x    

One Comment

  1. kii ugu xumaa ayuu la kulmay ee dadka qaaqaawan. salfakiir, iyo geele.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV