Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay ilaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mudane Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay “in iyadoo la joogo sanadkan 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday magaalada Muqdisho, uuna sheegay in aysan dowlad jirin”.

Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka xalay uu ku bilowday weerar lala beegsaday ciidamada dowladda.

Iska horimaad u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kooxo taabacsan musharraxiinta mucaaradka ayaa xalay iyo saaka ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka hor joogsatay dibedbax ay si nabdood u qaban lahaayeen.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa tilmaamay inuu “dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay, balse laga dhaga adeygay”.

Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ogoshahay mudaharaad si nabdoon u dhaca oo ay ilaalinayaan ciidamada dowladda, balse dibedbaxa mucaraadka ay doonayeen “inay horkacaan ciidamo ka soo horjeeda ciidamada dowladda”.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho “xor iyo xalaa ah”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*