Lammaanaha reer boqor ee dalkaasi Igriiska Meghan (39-jir) iyo amiir Harry (36-jir)  ayaa ku wargeliyay boqoradda dalkaasi Elizabeth (94-jir) in ay iska dhiibayaan xilkii ay ka hayeen qoyska reer boqor islamarkaana aysan dib dambe ugu soo noqon doonin.

Warkan ayaa waxaa lagu xaqiijiyay bogga khasriga reer boqorka ee Buckingham Palace.

Lammaanaha ayaa la sheegay in aysan isku wadi karin arrimohooda gaarka ah iyo howsha qoyska reer boqor, waxaana ay go`aansadeen in ay isaga tagaan arrimaha boqortooyada.

Boqoradda ayaa la sheegay in ay soo dhaweysay go`aanka lammaanaha, iyadoona sheegtay in wali laga jecel yahay qoyska reer boqor.

Go`aanka ay qaateen Meghan iyo Harry ayaa kusoo aadaya xilli buuq la xiriira boqoradda iyo lamaanahan uu soo ofbaxay kaas oo ugu dambeyn kallifo in lamaanahan ay gebi-ahaanba ka guuraan dalka Ingriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*