Labo maalin kadib markii ay dowladda Mareykanka ku amartay in qunsuliyadda Shiinaha ee magaalada Houston ee gobolkaasi Texas lagu xiro 72-saac gudohood ayaa waxaa uu isna Shiinaha amar ku bixiyay in Mareykanka uu si deg-deg ah oo aan wax saacado ah la isu qaban uu ku xiro qunsuliyaddiisa magaalada Chengdu.

Labadan quwadood ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u dhaxeeyay dagaal qabow oo dhan walba leh, marka laga reebo gacan-ka-hadal, waxaana uu iminka gaaray heerkiisii ugu sarreeyay.

” Halka uu marayo iminka heerka xiriir ee Mareykanka iyo Shiinaha ma ahan mid uu doonayo Shiinaha in uu arko, laakiin waa mid ay masuuliyaddeeda qaadeyso dowladda Mareykanka”, sidaa waxaa lagu yiri war qoraal ah oo maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha.

Qunsuliyadda Mareykanka ee Chengdu.

Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ayaa dhawaan ku eedaysay Shiinaha inuu abaabulo dad jabsada kombuyuutarrada oo beegsaday shaybaadhada cilmi baadhiska ku wada talaallada Covid-19.

Saraakiishu waxay dacwad ku soo oogeen laba nin oo Shiine ah oo lagu eedeeyey in ay basaasayeen shirkado Maraykan ah oo waday cilmi-baadhis ku saabsan fayraska korona isla markaana ay taageero ka helayeen sirdoonka dalkaas oo xataa ay xogo kale xadeen.

Dacwadda raggan lagu soo oogay waxay soo baxday iyada oo Maraykanku dabogal ku hayo basaasiinta internet-ka ee Shiinaha.

Ingiriiska, Maraykanka iyo Canada ayaa sidoo kale todobaadkii hore Ruushka ku eedeeyey isku day xatooyo xogo cilmi-baadhiseed oo ku saabsan Covid-19.

Dacwaddan lagu soo oogay ardaydaa hore u baranayey cilmiga Electrical Engineering-ka oo la kala yidhaa Li Xiaoyu iyo Dong Jiazhi oo la shaaciyey Salaasadii ayaa waxa ka mid ah xatooyo sir ganacsi.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in labada nin ay basaaseen shirkad ku taal Massachusetts oo ka shaqaysa tiknoolajiyada dawooyinka bishii Jeeniweri, shirkadaas oo la ogaa in ay waday cilmi-baadhis ah in dawo loo helo Covid-19. Waxay sidoo kale oo xadeen xog ay lahayd shirkad kale oo ku taal gobolka Maryland todobaad uun ka dib markii ay sheegtay in ay cilmi-baadhis ku wado Covid-19.

Saraakiishu waxay raggaa ku tilmaameen qawlaysato madax banaan oo mararka qaarkood taageero ka helayey saraakiisha mukhaabaraadka Shiinaha oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda nabad sugidda Shiinaha.