Maanta oo ku beegneyd 8 Febraayo, sanad guuradii koowaad markii ay kasoo wareegtay doorashadii madaxweyne Maxamed C/llaahi Fármaco ayaa waxaa magaalada Muqdisho looga xusay si bulshada aysan fileyn, iyadoo la joojiyay xafladihii badnaa, hase ahaatee shacabka looga faa’iideeyay dhaqaalihii ku bixi lahaa xaflado la qabto.

Ruska 8 Febraayo ayaa noqday adeeg caafimaad iyo samafal la gaarsiiyay dadka danyarta ah.

Teendhooyin la dhigay waddooyinka oo lagu xardhay sawirka Madaxweyne Farmaajo ayaa koox kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dhaqaatiir ay dadka ugu sameynayaan baaritaan caafimaad.

Goobo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayay ka socotaa baaritaanka caafimaad lacag la’aan ah, iyadoo dadka ay safaf ugu jiraan.

Dadka ka faa’ideysanaya barnaamijkan adeega caafimaad ee lacag la’aanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad da’ ah oo lixaadkooda aan u dhameystirneyn iyo dadweyne kale oo dan yar ah, kuwaasoo aan awoodin baaritaanada caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay in la qabto wax xaflad ah oo dabaal deg u ah sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV