Kooxda Manchester United ayaa Talaadadi shalay xustay sannadguuraadii 60-aad ee kasoo wareegatay dhimashada sideed ciyaartooy oo ka mid ahaa kooxda Manchester, kuwaas oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Shilkaasi oo ay ku dhinteen 32 ruux ayaa dhacay 6-dii February sanadki 1958-kii. Ciyaartooyda Manchester United ayaa kasoo laabanayay ciyaar ka tirsaneyd tartanka horyaalada Yurub oo ay magaalada Belgrade ku soo ciyaareen kooxda Red Star.

Masiibadaasi ayaa waxaa ku dhntay sideed ka mid ah ciyaartooyda, sideed saxafi, shaqaalihi diyaaradda iyo rakaab kale oo saarnaa diyaaradda.

Dadki xuska ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Sir Bobby Charlton iyo Harry Gregg, oo labadaba ka mid ahaa ciyaartooydi Manchester ee xilligaasi ka badbaaday shilka diyaaradeed.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV