Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo in ay taageeraan kooxda isku magacowdey dowladda Islaamiga ah ama ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey ayaa lagu eedeyay in ay xiriir ganacsi la sameeyeen kooxda ISIS.

Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay cunaqabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay in uu dhaqaale iyo qalab ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin sannadihii 2016 iyo 2017.

Waxa sidoo kale cunaqabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee fadhigeedu yahay dalka Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada ee loo yaqaan Drone-ka uu u fududeeyay ISIS.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Maxamed Mire Cali Yuusuf oo soomaali ah iyo shirkadihiisa Liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company, sababo la xiriira doorkiisa ku aaddan taageerada kooxda ISIS ee gobollada Bari ee Soomaaliya.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV