Sida uu baahiyay xalay taleefishinka dowladda ee SABC ayaa waxaa loo qabtay madaxweynaha talada dalka Koonfur Afrika haya Jacob Zuma in uu isku casilo 48 saacadood gudohooda.

Xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC saraakiishiisa sar-sare ayaa go`aankan soo gaaray kaddib shir albaabada u xirnaayeen oo ay shaloo dhan ku jireen.

Jacob Zuma (75-jir) ayaa soo wajahday eedeymo dhowr ah oo la xiriira musuq-maasuqnimo uu ku kacay islamarkaana aad u xoogeystay muddooyinkii u dambeeyay.

Taageerayaasha Zuma ayaa ku doodaya in uu dhameysto xilkiisa maadama dalka ay doorasho ka qabsoomeyso sannadka dambe.

Cyril Ramaphosa, hoggaamiyaha xisbiga ANC oo talada xisbiga kala wareegay bishii Desember ee sannadkii tagay madaxweyne Zuma ayaa sheegay in sida uga dhakhsiyaha badan go`aan looga gaari doono arrinta madaxweynaha.

Isbuucii hore ayay aheyd markii afhayeenka madaxweyne Zuma Bongani Ngqulunga uu beeniyay in uu madaxweynuhu ogolaaday in uu xilka iska casilo.

 

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV