32 ruux oo ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay dalka Masar: SAWIRRO

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay labo tareen oo isku dhacday dalkaasi Masar, waxaana uu shilkani ka dhacay maanta gobolka Sohag oo qiyaastii  46 mil u jira caasimadda Qaahira.

Sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi 32 tuux ayaa shirkaasi ilaa iyo iminka ku geeriyootay dalka 66 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay gudaha tareenada shilka galay ayaa waxaa ay muujinayaan dad ku hoos jira kuraaska oo ku xaniban iyo qaar kale oo dhulka yaal-yaal.

Shil noocaan oo kale oo sannadkii 2017 ka dhacay isla dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 50 riix, halka 120 ruux kalena ay ku dhaawacmeen.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *