Home Wararka Maanta Sacuudi Carabiya oo digniin culus kasoo saartay arrimaha Xajka kadib arrin soo...

Sacuudi Carabiya oo digniin culus kasoo saartay arrimaha Xajka kadib arrin soo korortay

0

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa loogu digay shirkadaha ku shaqeysta hanaanka been abuurka dal ku galka, kuwaasi oo baraha bulshada ku xayeysiiya adeegyadooda been abuurka ah.

“Dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan waa inay adeegyadooda ay u doontaan xafiisyada rasmiga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta Xajka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Xafiisyadan ayaa ah cidda keli ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah, sida ay sheegtay wasaaradda, iyada oo uga digtay inay ku dhacaan kuwa dadka dhaca ee bixinaya adeegyo sax aanan aheyn.

Shirkadaha been abuurka ah ayey sheegtay inay ku shaqeystaan baraha bulshada, iyaga oo dadka la wadaagaya macluumaad been abuur ah, islamarkaana sheeganaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasi oo ah mid aanan waxba ka jirin.

Sidoo kale wasaaradda ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda sare ee arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuurka ku shaqeysta.

Shirkadahaas oo la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 25 shirkadood oo been abuur ah.

Wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay ugu baaqday dalalka Islaamka inay la dagaalamaan kuwa caadeystay ku shaqeysiga been abuurka.

Sidoo kalena waxay dadyoowga adduunka ee doonaya inay xajiyaan sanadkaan ku adkeysay ka fejignaanta halista shirkadahaas ku shaqeysta hanaanka qaldan ee dadka lagu dhacayo.

Previous articleCiyaaryahan lagu magacaabo Osama oo magaciisa hadal heyn badan ka dhaliyay dalkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here