Home Wararka Maanta Gudoomiy Madaale oo Abaalmarinaaya ciidamo Qabtay Alshabaab Nabadoon Dilay

Gudoomiy Madaale oo Abaalmarinaaya ciidamo Qabtay Alshabaab Nabadoon Dilay

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay kulan uga qayb-galay degmada Dayniile ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in looga baahan ciidamada amniga inay qaadaan tallooyin dheeraad ah oo lagu sugayo amniga, si looga hortego dhagarta kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday dilkii horraantii bishan degmada Dayniile loogu gaystay Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xasan oo kamid ahaa waxgaradka deegaanka, kaas oo weerar toos ah ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

“Ninkii odeyga ahaa ee Nabadoonka ahaa ee Cabdi Xasan waxaa la dilay isaga oo iska difaacaayo cadowgii soo weeraray ayuu dhintay, waxaan ilaahey uga baryeynaa Janatul Firdowso” ayuu khudbaddiisa ku yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay :Nabadoono badan oo saas u dhintay ayaa jiro oo uu kamid ahaa Nabadooon Cilmi Xagare iyo Nabadoono kale”.

Duqa Muqdisho oo sii hadlaya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigtay qaar kamid ah Shabaabkii dilay nabadoonka, isaga oo askartii soo qabatay u ballan qaaday Abaal-marin.

Iyagana kuwii dilay Nabadoon Cabdi Xasan sidoodii kuma laaban waa lala dagaalamay, waxaana gacanta lagu soo dhigay qaarkood, raggii howshaasi qabtay ee ku guuleysatay abaal-marintooda waxa ay ak taallada duqa Muqdisho” ayuu mar kale yiri Madaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo haatan Muqdisho ay kasoo kordheen xaalado amni, kadib markii laga nastay bilooyinkii dambe oo ay dowladdu dagaal ku qaaday Al-Shabaab.
Previous articleMaxaa Sababay in Imaaraadku joojiyo Dhaqaalihi Ciidamada Xooga Uu Siin Jiray?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here