Labo ruux ayaa dhaacyo culus oo mindiyeed maanta duhurkii loogu geystay bartamaha magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi Fransiiska.

Wararku waxa ay sheegayaan in weerarkaasi uu ka dhacay meel u dhow xaruntii hore ee joornaalka weerarka lagu qaaday ee Charlie Hebdo.

Booliska ayaa iminka lasoo warinayaa in ay qabteen nin looga shakisan yahay in uu ka dambeeyo weerarkaasi, waxaana ay sidoo kale baarayaan boorso ay ka shakiyeen waxa ku jira.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay socoto maxkamadeynta dhowr ruux kuwaas oo lagu eedeynayo weerarkii lagu qaaday xarunta jaraa`idka Charlie Hebdo, sannadkii 2015-ka.