Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay xilli uu kasoo laabtay goob Weerar ka...

Wasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay xilli uu kasoo laabtay goob Weerar ka dhacay (Sawirro)

0

Wasiirka Amniga maamulka Israel, Ben-Gvir ayaa shil gaari ku dhaawacmay, waxaana loola cararay xarun caafimaad oo lagula tacaalayo xaalada wasiirkan dhaawacmay sida ay ku warameen warbaahinta Israel.

Gaari uu la socday Ben-Gvir ayaa la rogmaday, waxaama soo gaaray dhaawac fudud sida booliiska sheegeen, waxaana wasiirka xaaladiisa si deg deg ah ula tacaalayay koox la socotay oo usii gudbiyay goob caafimaad.

Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan shilkan gaari uu ku dhaawacmay wasiirkan xagjirka ah, mana jiro faah faahino badan oo booliiska kasoo saareen shilkan gaari ee wasiirka amniga ku dhaawacmay.

Wasiirka amniga Isreal ayaa la sheegay xilliga shilka uu galayay uu kasoo laabtay magaalada Ramle oo u dhow Tel Aviv , halkaas oo ka dhacay weerar toorey oo lagu dhaawacay haweeney 18-sanno jir ah.

Previous articleSacuudi Carabiya oo digniin culus kasoo saartay arrimaha Xajka kadib arrin soo korortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here