Home Wararka Maanta Mareykanka oo taageerada ka joojiyey Danab Talaabo ay Qaaday Dowlada Soomaaliya Darteed

Mareykanka oo taageerada ka joojiyey Danab Talaabo ay Qaaday Dowlada Soomaaliya Darteed

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday fadeexad musuq-maasuq oo ka dhex-dhacday ciidamada Dana bee Mareykanka uu tababaro, ayada oo la leexsaday qaar ka mid ah raashinkii ciidanka.

Wasaaradda ayaa shaacisay in la xiray saraakiil sare oo lagu tuhunsan yahay kiiskan. Waxay kale oo ay sheegtay inay arrintan ku war-gelisay Mareykanka, islamarkaana inta baaritaanka uu socdo ay la wareegi doonto bixinta raashinka ciidanka.

Lama soo bandhigin darajada iyo magacyada saraakiisha loo xiray raashiinka ciidanka Danab oo baaritaan isla-xisaab ah oo la sameeyay lagu oggaaday in la musuq-maasuqay.

Xogta ayaa sheegeysa in dawladda Mareykanka ay go’aamisay in ay hakiso taageerada Raashinka ay siinaysay ciidamada DANAB, sabab la xariirta musuq-maasuq xooggan.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka mahadcelineysaa taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabaab iyo sidoo kale bixinta taageerada muhiimka ah ee bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Maalgelinta dawladda Maraykanka ku samaynayso barnaamijka dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB waxa ay abuurtay ciidan awood leh oo horseed u noqday howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay xoojiyeen tallaabooyinkooda isla xisaabtanka ee waafaqsan ajandayaasha dib u habeynta ciidanka.

Baaritaanadaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in qayb ka mid ah raashinka Danab la leexsaday. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhacdaadaan ka falcelisay, waxa ayna isla markiiba billowday baaritaan taas oo keentay in shaqada laga joojiyo saraakiil ka tirsan Ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhacdadan ku wargelisay dhinacyada ay khusayso, waxayna la wadaagi doontaa natiijada baaritaannadaas marka ay soo idlaadaan.

Wadahadaladii u dambeeyay ee labada dhinac ayaa DFS oo la tashi dhow la gashay dowladda Mareykanka waxa ay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta Ciidanka Danab ee CXD. DFS ayaa xoogga saarayso la wareegidda amniga iyo taakulaynta Ciidankeeda.

Previous articleMareykanka iyo 17 dal oo kale oo farriin culus u diray Xamaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here